U bood dhigaalka

Turkiga oo Soomaaliya ka jartay kabkii Miisaaniyadda ee uu ku taageeri jiray

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Turkiga aysan sannadkan bixin lacagihii kabka ahaa ee ay si joogto ah u siin jirtay Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaari jiray taageerada miisaaniyadda guud ee dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in kaalmadaasi horey si joogto ah loo heli jiray, balse uusan si cad u sheegin sababta keentay in sannadkan ay istaagto.

Si kastaba ha ahaatee, Biixi Iimaan Cige ayaa xusay in Soomaaliya ay weli lacago taageero ah ka helayso dalal kale oo ay ku tiirsan tahay, inkastoo ay hoos u dhacday guud ahaan kaalmadii dhaqaalaha dibadda.

Turkiga ayaa ka mid ah dalalka ugu saameynta badan Soomaaliya, isaga oo gacanta ku haya ilo dhaqaale oo muhiim ah oo ku yaalla caasimadda Muqdisho, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo dekedda weyn ee Muqdisho.

Sidoo kale, Turkigu wuxuu Soomaaliya ku leeyahay saldhigiisa militari ee ugu weyn qaaradda Afrika, halka dhawaan lagu wareejiyey howlaha la xiriira sahaminta iyo soo saarista shidaalka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Soomaaliya wajahayo xaalad dhaqaale oo adag, kadib markii Dowladda Maraykanka ay sannadkan joojisay taageeradii tooska ahayd ee ay siin jirtay dowladda federaalka. Taasi waxay si weyn u saamaysay miisaaniyadda dawladda dhexe iyo sidoo kale dhaqaalihii lagu kabayey dowlad-goboleedyada dalka.