U bood dhigaalka

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Beeniyay eedeymo La Xiriira ku luglaanshaha Soomaalida laga soo musaafurinayo dalka Sweden

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (OPM) ayaa si rasmi ah uga jawaabay warbixinno warbaahineed oo dhawaan la faafiyay, kuwaas oo eedeyn ka jeediyay barnaamijyo ay maalgeliso Dowladda Sweden.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa si cad u beeniyay dhammaan eedeymaha la xiriira musuqmaasuq, dano gaar ah, ku takri-fal dhaqaale, cadaadis ama si khaldan u isticmaalka kaalmada horumarineed.

OPM wuxuu sheegay in warbixintaasi tahay mid eex leh, marin habaabin ah, islamarkaana aan ku dhisnayn xaqiiqooyin la xaqiijiyay.

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in eedeymaha lagu sheegay warbixinta ay ku saleysan yihiin sheegashooyin aan la hubin, oo ay ku jiraan farriimo iyo isgaarsiin aan waligood si rasmi ah loo soo bandhigin ama si madaxbannaan loo xaqiijin. Dowladda Soomaaliya waxay tilmaantay in arrintan ay ka hor imaanayso heerarka saxaafadda mas’uulka ah, isla markaana ay ujeedadeedu tahay sumcad-dil loo geysto mas’uuliyiin sare oo dowladeed.

Sidoo kale, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhammaan taageerada ay bixiso Dowladda Sweden lagu fuliyo hay’ado caalami ah, sida hay’adaha Qaramada Midoobay, iyadoo lagu shaqeynayo heshiisyo mashruuc oo si cad loo qeexay. Dowladda Soomaaliya ma maamusho, mana hesho si toos ah wax lacago ah oo ka yimaada Sweden, sidoo kale mas’uuliyiinta dowladda kama helaan wax mushaar ama faa’iido dhaqaale barnaamijyadaas.

War-saxaafadeedku wuxuu intaas ku daray in ka qeybgalka mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee la xiriira kormeer ama isku-duwidda barnaamijyada uusan macnaheedu ahayn in ay leeyihiin awood dhaqaale, maamul ama saameyn ku saabsan shaqaaleysiinta, iibsiga ama heshiisyada mashruucyada. Dowladda ayaa sheegtay in marna mas’uul Soomaali ah uusan awood u yeelan maareynta lacagaha deeq-bixiyeyaasha.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya waxay beenisay sheegashooyin la xiriira in ay ku hanjabtay joojinta iskaashi ama arrimo masaafurin si ay u hesho maalgelin. Dowladda ayaa carrabka ku adkeysay in xiriirka Soomaaliya iyo Sweden uu ku dhisan yahay hannaan diblomaasiyadeed oo rasmi ah, sharci caalami ah iyo is-ixtiraam buuxa.

War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in Dowladda Soomaaliya aysan gelin heshiisyo qarsoodi ah, isla markaana dhammaan iskaashiga kala dhexeeya Dowladda Sweden uu ku saleysan yahay heshiisyo la diiwaangeliyay, hufan, isla markaana waafaqsan nidaamka iskaashiga caalamiga ah.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay daahfurnaan, isla xisaabtan iyo hufnaan buuxda, iyadoo adkaysay xiriirka taariikhiga ah ee ay la leedahay Dowladda Sweden, kuna celisay in ay sii wadi doonto wada-shaqeyn ku dhisan xaqiiqo, kalsooni iyo sharci caalami ah.