U bood dhigaalka

Musharrax Liibaan iyo Masuuliyiin kale oo ka qeyb galay Iskusoo-bax lagu taageerayo Doorashada Qof iyo Cod”

Musharaxa Madaxweynaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda ayaa ka qeyb galay Isku soo bax balaaran oo lagu taageerayay doorashada qof iyo cod ah.

Isku soo baxaan oo kumanaan ka mid ah shacabka Miqdisho ay ka soo qeyb galeen ayaa muujinaya nabadda iyo xasiloonida ka jirta Caasimadda dalka oo isku diyaarineysa doorashada golayaasha deegaanka Gobolka Banaadir oo 25-ka bisha qorshuhu yahay in loo dareero.

Musharax Liibaan Axmed Xasan ayaa kamid ah musharrixiinta ugu cadcad ee u taagan xilka madaxtinimada Galmudug, wuxuuna sidoo kale ku jiraa siyaasiyiinta sida weyn u taageersan doorashada qofka iyo codka ah ee dhowaan la filayo inay dalka ka dhacdo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u shaaciyay in doorashada qof iyo codka ah ee goleyaasha deegaanku ay dhacayso 25-ka bishan, ayadoo ay socdaan ololeyaal xooggan oo ay wadaan ururrada isku diiwaan-geliyay ka qaybgalka doorashadu.