U bood dhigaalka

Xariirka Soomaaliya iyo Shiinaha oo sii xoogaysanaya, xilli Trump oo Soomaalida weerar joogto oo dhanka afka ah ku hayo

Xariirka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa si weyn u sii xoogaysanaya, ayadoo Beijing ay sanadihii la soo dhaafay aad u kordhisay saameynteeda geeska afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhowaan wareysi siiyay TV-ga leeyahay Shiinaha ayaa ku tilmaamay xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha mid bislaaday, kuna dhisan is-ixtiraam, daacadnimo iyo iskaashi miro-dhal ah oo muddo dheer soo jiray.

Madaxweynaha ayaa xusay in Shiinuhu uu si joogto ah u taageerayay Soomaaliya tan iyo xilligii ay xorriyadda qaadatay sanadkii 1960-kii.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in inkastoo Soomaaliya ay soo martay waqtiyo adag oo ay ka mid yihiin dagaallo sokeeye, burbur iyo xasillooni-darro socotay in ka badan 30 sano, haddana mashaariicdii iskaashiga Shiinaha iyo Soomaaliya ay weli muuqdaan, shaqeynayaanna ay u adeegayaan shacabka Soomaaliyeed.

“Shiinaha iyo Soomaaliya waxay leeyihiin xiriir soo jireen ah oo ku dhisan is-ixtiraam iyo daacadnimo, Shiinuhu wuxuu Soomaaliya garab taagnaa tan iyo maalmaha ugu horreeyay ee xorriyadda, xitaa xilliyadii adkaa ee dalku burburka ku jiray. Mashaariic badan oo uu Shiinuhu ka hirgeliyay Soomaaliya, sida isbitaallada, garoomada iyo waddooyinka waaweyn, weli way shaqeynayaan, waxayna u adeegayaan shacabka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay Isbitaalka Banaadir, oo ah isbitaal hooyada iyo dhallaanka ah oo laga hirgeliyay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dhisay taageero ka timid dowladda Shiinaha.

Wuxuu sheegay in isbitaalkaasi uu shaqeynayay in ka badan 50 sano, isla markaana uusan marna istaagin adeeggiisa, xitaa intii lagu jiray dagaalladii sokeeye.

“Isbitaalka Banaadir ma ahan isbitaal caadi ah, waa isbitaal hooyo iyo carruur ah. Tan iyo 1970-meeyadii, muddo ka badan 50 sano, wuxuu si joogto ah ugu adeegayay shacabka. Xitaa xilligii dagaallada sokeeye, isbitaalku wuu furnaa, dadka ayuuna u shaqeynayay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in qoys ahaan uu saameeyay xariirka qotada dheer ee labada dal, isagoo sheegay in walaashiis, oo arday ahayd, ay ka mid ahayd carruurtii soo dhaweysay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Shiinaha, Zhou Enlai, markii uu booqasho taariikhi ah ku yimid Soomaaliya tobannaan sano ka hor.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay in xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha uu haatan marayo heer bisayl ah, isla markaana labada dal ay ka wada shaqeynayaan sidii loo sii xoojin lahaa loona horumarin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan, si uu u noqdo mid wax ku ool u ah labada shacab.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu maalmihii la soo dhaafay weerar ba’an iyo aflagaaddo joogto ah ku hayay Soomaalida, asagoo ku tilmaamay in dal ahaan faa’iido dhaqaale u lahayn Mareykanka.