U bood dhigaalka

Dhoofinta qalabka difaaca iyo duulista Turkigu soo saaro oo gaartay $7.445 bilyan, xilli uu dhowaan dayax-gacmeed ka dirayo Soomaaliya

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in wax dhoofinta warshadaha difaaca iyo duulista ee Turkiga ay gaartay $7.445 bilyan 11-kii bilood ee la soo dhaafay, taasoo ka dhigan koror dhan 30 boqolkiiba marka la barbardhigo isla muddadii sanadkii hore.

Madaxweyne Erdogan ayaa hadalkan ka sheegay xafladda daah-furka iyo hawlgelinta maraakiibta ciidan badeed, asagoo carrabka ku adkeeyay in Turkigu uu si weyn u xoojiyay awooddiisa wax-soo-saarka hubka casriga ah.

“11-kii bilood ee la soo dhaafay, dhoofinta difaaca iyo duulista dalkeennu waxay kor u kacday 30 boqolkiiba marka loo eego sanadkii hore, iyadoo gaartay $7.445 bilyan,” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Turkigu haatan yahay dalka 11-aad ee ugu sarreeya dunida dhinaca dhoofinta hubka, taasoo muujinaysa horumar ballaaran oo laga sameeyay warshadaha difaaca gudaha.

Isagoo ka hadlayay ujeeddooyinka mashaariicda difaaca, Erdogan ayaa sheegay in aysan ku ekaan oo keliya soo saarista hub iyo qalab ciidan, balse ay sidoo kale diiradda saarayaan ballaarinta nidaamka warshadaha difaaca iyo kordhinta awoodda soo saarista tiknoolajiyada casriga ah.

“Mashruuc kasta oo aan ka fulinno warshadaha difaaca, waxaan ujeedkeenna ka dhignay in aan horumarino alaabooyin cusub iyo in aan ballaarinno nidaamka guud iyo awoodda tiknoolajiyadeed ee dalka,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Turkigu ka mid yahay 10-ka dal ee adduunka ee awooda inay si madaxbannaan u horumariyaan una hawlgeliyaan maraakiib dagaal, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid muhiim u ah ilaalinta madax-bannaanida iyo nabadda dalka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Erdogan ayaa sheegay in Turkigu uu bilaabay dhismaha markab xambaara diyaarado (aircraft carrier) oo dhererkiisu yahay 300 mitir, kaas oo uu ku tilmaamay “walaalka weyn” ee markabka TCG Anadolu, islamarkaana qeyb ka noqon doona qorshaha fog ee difaaca badda Turkiga.

Turkigu oo xulufo dhow la ah Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay si weyn u hormariyay wax soo saarkiisa qalabka difaaca, asagoo sameystay diyaarado duuliye lahayn, baabuur gaashaman, iyo maraakiib casri ah.

Ankara ayaa bilo ka hor shaacisay inay saldhig dayax-gacmeedyada laga diro ka dhisayso Soomaaliya, iyadoo la filayo in arrintaasi inay xoojiso taageerada amni ee dalkaasi uu siiyo Soomaaliya.