U bood dhigaalka

Madaxweyne Axmed Madoobe oo shaaca ka qaaday sababihii keenay khilaafka kala dhaxeeya Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo si faahfaahsan uga hadlay waxyaabaha saldhigga u ah khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hoosta ka xarriiqay qodobka ugu weyn ee ay labada dhinac isku hayaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo ka hadlayay munaasabaddii gabagabada shirka wadatashiga ee ka socday magaalada Kismaayo, ayaa sheegay in khilaafka ugu weyn uu salka ku hayo aragtida doorashooyinka iyo hanaanka loo wajahayo.

Axmed Madoobe ayaa xusay in Madaxweynaha Federaalka uu aaminsan yahay inaysan jirin baahi loo qabo doorasho, isla markaana la sii wadan karo wada shaqeynta hoggaanka hadda jira, arrintaas oo uu si cad uga hor yimid sida uu sheegay.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan ku kala maqanahay arrin doorasho ah. Isaga wuxuu leeyahay doorasho uma baahnid oo aan wada joogno, aniguna waan ka diiday. Haddaba yaa qaldan labadeenna?” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay in doorasho ay tahay tiir dastuuri ah oo lagu xaqiijinayo sharciyadda hoggaanka, isla markaana aysan suurtagal ahayn in la iska indho-tiro rabitaanka shacabka iyo nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka lagu heshiiyay.

Axmed Madoobe ayaa haatan u muuqda mid guul siyaasadeed ka dhex helay shirka mucaaradka ee Kismaayo, asagoo haysta xulufo rabitaankiisa si buuxda ula dhaqan-gelin kara marka la eego khilaafka kala dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.