U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Qabanaysa Madaxtinimada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay Janaayo 2026

Sida ay qortay wakaaladda wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA, Janaayo 2026 ayaa Soomaaliya u noqon doonta bil taariikhi ah, xilligaas oo ay si rasmi ah u qaban doonto Madaxtinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UN Security Council), taas oo ah guul diblomaasiyadeed oo weyn kuna suntan marxalad cusub oo kaalinta Soomaaliya ee arrimaha caalamiga ah.

Madaxtinimadan ayaa imaanaysa xilli Soomaaliya ay horumarro la taaban karo ka samaynayso arrimaheeda gudaha, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, inkastoo oo ay jiraan khilaafyo ka dhexeeya dowladda iyo mucaaradka oo garabsanaya dowlad goboleedyada qaarkood.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorshaynaysa qabashada doorashooyinka goleyaasha degmooyinka Muqdisho, kuwaas oo lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka iyo ka-qaybgalka shacabka ee maamulka caasimadda.

Sidoo kale, dalka waxaa ka socda dib-u-habayn dhaqaale oo ballaaran, taas oo ujeeddadeedu tahay xoojinta dakhliga gudaha, hagaajinta maareynta maaliyadda iyo soo jiidashada maalgashi caalami ah.

Dib-u-habayntan ayaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaadato xasilloonida dhaqaale iyo kobaca mustaqbalka fog ee Soomaaliya, ayadoo madaxtinimada Golaha Ammaanka ay siinayso Soomaaliya fursad ay ku muujiso aragtideeda ku aaddan nabadda, amniga iyo iskaashiga caalamiga ah, isla markaana ay cod muuqda uga yeelato go’aannada saameeya nabadda iyo xasilloonida caalamka, gaar ahaan Geeska Afrika.

Hoggaaminta golaha Ammaanka oo ah xil meerto ah oo ku salaysan habka kala horraynta xarfaha far-qoraalka Ingiriiska, maadaama hadda ay xilka hayso dowladda Slovenia, waxaa ku xigta Soomaaliya oo hoggaanka qaban doonta bisha Janaayo ee 2026