U bood dhigaalka

BJFS oo si aqlabiyad ku ansixiyay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (BJFS) ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, halkaas oo ay si rasmi ah ugu ansixiyeen Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026.

Miisaaniyadda la ansixiyey ayaa dhan $1,386,807,242 (hal bilyan, saddex boqol iyo sideetan milyan, sideed boqol iyo toddobo kun, laba boqol, afartan iyo laba doolar), taas oo ah mid lagu saleeyey baahiyaha horumarineed ee dalka, xoojinta adeegyada bulshada iyo amniga.

Cod u qaadista Miisaaniyadda ayaa muujisay taageero ballaaran, iyadoo 174 Xildhibaan ay oggolaadeen, afar Xildhibaan ay diideen, halka hal Xildhibaan uu ka aamusay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyadda ayaa ku tilmaamay ansixinta Miisaaniyadda mid muhiim u ah jihaynta qorshayaasha horumarineed ee xukuumadda, isaga oo xusay in ay gacan ka geysan doonto dardargelinta adeegyada aasaasiga ah, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta hayโ€™adaha dowladda.

Ansixinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2026 ayaa dhalisay dood iyo buuq xooggan, ayadoo Xildhibaanadu ay si weyn isugu khilaafeen halka ay ka soo xaroonayso miisaaniyaddu, sida loo isticmaalayo, iyo deymaha laga soo qaadanayo caalamka.

si kastaba ha ahaatee ansixinta Miisaaniyadda oo aad u badan marka loo eego middii hore ayaa imanaysa xilli ay meesha ka baxeen inta badan dhaqaalaha kabka Miisaaniyadda ee ay dowladdu heli jirtay, balse waxaa socda dadaallo lagu xoojinayo hannaanka maaliyadeed ee dowladda, taas oo la filayo inay kor u qaaddo kalsoonida shacabka iyo tan beesha caalamka.

Doodda ugu weyn ee ay hadda ka soo horjeeda ansixinta Miisaaniyaddani qabaan ayaa ah in aysan caddayn halka ay ka soo xaroonayso iyo qorshaha wax qabadka ee Xukuumaddu wadato, maadaama halku uu ku jiro xaalad kala guur ah.