Diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashada goleyaasha deegaanka oo caasimadda Muqdisho ka socda
diyaar-garowga qabashada doorashooyinka goleyaasha deegaanka ayaa si weyn uga socda caasimadda Muqdisho, ayadoo berrito oo Khamiis ah lagu wado inay ka dhacdo doorashadu.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka ayaa sheegay in dhammaan qorshayaashii farsamo, amni iyo shaqaale la diyaariyey si ay doorashadu ugu dhacdo si hufan oo nabad ah.
Sida uu guddigu shaaciyey, doorashadu waxay ka dhici doontaa 530 goobood oo ka tirsan gobolka Banaadir, ayadoo codbixiyeyaashu ay safaf dheer dheer u geli doonaan goobahaas.
Goobahaasi ayaa si buuxda loogu diyaarinayaa qalabka codbixinta, sanduuqyada, diiwaannada iyo agabka kale ee lagama maarmaanka u ah hanaanka doorashada, sidoo kale waxaa la diyaariyey howl-wadeenno dadka hagi doona.
Guddiga Doorashooyinka ayaa sidoo kale tilmaamay in qiyaastii 5,000 oo shaqaale ah ay si toos ah uga qeyb qaadan doonaan hawlaha doorashada, kuwaas oo isugu jira shaqaale farsamo, kormeerayaal iyo hawlwadeennada goobaha codbixinta.
Shaqaalahan ayaa la siiyey tababbarro la xiriira habraaca doorashada iyo sida loola macaamilayo codbixiyeyaasha.
Dhanka amniga, waxaa la diyaariyey in ka badan 10,000 oo askari oo ka kala socda hay’adaha amniga, kuwaas oo sugaya ammaanka goobaha codbixinta, xarumaha muhiimka ah iyo guud ahaan caasimadda.
Si loo adkeeyo amniga, maalinta doorashada waxaa Muqdisho ka dhaqangeli doona bandow guud oo bilaabanaya 12:00 PM habeennimo, iyadoo la joojin doono dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadka aan u socon codbixinta.
Sidoo kale, garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa si ku-meel-gaar ah loo xiri doonaa inta ay doorashadu socoto, ayadoo la joojin doono diyaaradaha soo degaya iyo kuwa baxaya.
Dhanka kale, ururrada siyaasadda ee ka qeyb-galaya doorashada ayaa maalmahan waday ololeyaal doorasho oo ay ku soo bandhigayaan barnaamijyadooda, iyagoo la kulmaya bulshada xaafadaha iyo degmooyinka kala duwan.