Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar oo farriin xasaasi ah u diray dadka doorashada ka qeyb-galaya
Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar, ayaa farriin u diray shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho, gaar ahaan dadka ka qeyb-galaya doorashada Golaha Degaanka iyo dhinacyada ka soo horjeeda, isagoo ku baaqay in la dhowro nabadda, lana ilaaliyo nafta aadanaha.
Yuusuf Garaad ayaa carrabka ku adkeeyey in nafta aadanaha ay ka qiimo badan tahay doorasho kasta, isla markaana aan la oggolaan in khilaaf siyaasadeed uu sababo rabshado ama dhiig ku daata.
Wuxuu xusay in doorashadu tahay mid ay dad badan ka qeyb-galayaan, kuwo kalena ay si cad u diiddan yihiin, halka qaar saddexaadna aysan wax dan ah ka lahayn, balse taas uusan u arkin sabab keeni karta is-dhibaateyn.
Isagoo adeegsanaya tusaale maahmaaheed, Yuusuf Garaad ayaa yiri:
“Hindida lo’da caabuda iyo Hindida lo’da qalata ee ku qadeysaahi waa deris inta badan is nabad geliya,” taasoo uu ku muujinayay in dad aragtiyo aad u kala duwan leh ay si nabad ah u wada noolaan karaan.
Wasiirkii hore ayaa si cad uga digay in la waxyeelleeyo cid kasta oo doorashada ka shaqeynaysa ama codeyneysa, isagoo xusay in qofna aan lagu khasbi karin doorasho aanu ku qanacsaneyn.
“Qofna ha lagu waxyeelin inuu ka shaqeynayo ama uu ka codeynayo doorasho aad adigu diiddan tahay,” ayuu yiri.
Sidoo kale, Yuusuf Garaad Cumar ayaa digniin u diray dadka qorshaynaya qalalaase iyo fowdo doorashada ka dhan ah, isagoo sheegay in qofka ku dhinta rabshadaha aan doorashada ka dib la xasuusan doonin, halka kuwa badbaadaahi ay iyagu ka tashan doonaan mustaqbalka dalka.
“Doorashada ka dib, inta nool ayaa ka tashaneysa aayaha,” ayuu raaciyay hadalkiisa Yuusuf Garaad oo ku baaqay in laga fogaado rabshado ka dhasha doorashada goleyaasha deegaanka ee uu qorshuhu yahay inay berri uu Khamiis ah dalka ka dhacdo.