AUSSOM oo bogaadisay Doorashada Muqdisho
Sheeko:Arrimaha Doorashada
Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si diiran u bogaadiyay nabadgalyada iyo hufnaanta ay maanta ku dhacday doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.
AUSSOM ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi u ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya, dhisidda dowladnimada casriga ah, iyo horumarka laga sameeyay dhanka amniga.
Iyadoo ay hadal-hayntan caalamiga ahi socoto, waxaa hadda si rasmi ah u bilaabatay tirinta codadka ka dib markii ay soo xirmeen goobihii codbixinta.
Shacabka ayaa isha ku haya natiijada ka soo bixi doonta sanduuqyada, taas oo go’aamin doonta hoggaanka cusub ee degmooyinka gobolka.