Booliska Soomaaliya oo xabsiga u taxaabay sargaal lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay dad codkooda dhiibanayay
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Booliska Caasimadda Muqdisho, ayaa gacanta ku dhigay sargaal ka tirsan ciidamada, kaas oo lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay muwaadiniin u soo baxay ka-qaybgalka doorashada ka socota caasimadda.
Sargaalka la qabtay ayaa lagu magacaabaa X/le Maxamed Cali Cabdi, waxaana la sheegay in falka lagu eedeeyay uu ka hor imanayo shuruucda iyo anshaxa ciidanka, isla markaana uu waxyeello u geysanayo xuquuqda muwaadiniinta si nabad ah u gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah.
Booliska Caasimadda ayaa xaqiijiyay in eedaysanaha loo gudbin doono maxkamadda ku shaqada leh, si sharciga loo waafajiyo, loona maro hannaan caddaaladeed oo hufan.
Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xarriiqay in cid kasta oo ku xadgudubta sharciga, xitaa haddii ay ka tirsan tahay hay’adaha ammaanka, laga qaadi doono tallaabo sharci ah.