DEGDEG: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Codkiisa Dhiibtay
Sheeko:Arrimaha Doorashada
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhow codkiisa ka dhiibtay mid ka mid ah goobaha cod-bixinta ee doorashada Golaha Deegaanka ee ka socota 16-ka degmo ee gobolka Banaadir.
Madaxweynaha oo la hadlayay warbaahinta ka dib markii uu codeeyey ayaa yiri: “Mucaarad iyo muxaafadba tani waa mustaqbalka Soomaaliya oo maanta waddo cusub u furantay.” Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli magaalada Muqdisho ay maanta martigelinayso doorashadii ugu horraysey ee qof iyo cod ah oo muddo tobannaan sano ah ka dhacda caasimadda.
Mucaaradka Soomaaliya ayaa qaadacay doorashadaGolahaDeegaankaBanaadir.