Xogta iyo Xaqiiqooyinka ku gadaaman Doorashada Golaha Deegaanka ee Maanta ka bilaabatay Muqdisho
Doorashada golayaasha deegaanka ee maanta ka dhacaysa magaalamadaxda dalka ee Muqdisho ayaa ah warka ugu weyn ee Soomaaliga laga hadalhayo.
Doorashadan oo ka dhacaysa 16 degmo oo ka mid ah 20ka degmo ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ku tartamaya 20 urur siyaasadeed oo ku loollami doona 390 kursi oo golayaasha degaanka ah.
Musharrixiinta u taagan goleyaasha deegaanka ayaa gaaraya 1,600 oo xubnood, ayadoo la filayo in shaacinta natiijada doorashadu ay qaadato muddo todobaad ah sida ay guddiga doorashooyinku hore u sheegeen.
Sida ay ku doodayaan dadka dhaliilsan doorashadu caqabadda ugu weyni waa ammaanka iyo hufnaanta tartanka oo walaac laga muujinayo, balse sida ay haatan wax u socdaan ayaa si weyn uga duwan wax kasta oo hore looga cabsi qabay, ayadoo si weyn loo bogaadiyay sugidda amniga.
Doorashadani waa tii ugu horraysay ee dalka ka dhacda taniyo sanadkii 1967dii xilligaas, oo Xisbigii SYL uu ku guulaystay aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka iyo golayaasha degaanka.