Doorashada goleyaasha deegaanka oo la soo gabagabeeyay iyo codbixinta oo si nabadgelyo ah ku soo dhammaatay
Doorashada goleyaasha deegaanka ee ka dhacday caasimadda ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay, iyadoo ay ku soo dhammaatay jawi nabadgelyo iyo kala dambeyn leh.
Cod-bixinta oo subaxnimadii hore ee saaka ayaa la soo gabagabeeyay saacado yar ka hor, ayadoo ay ciidamo gaar ahi daadgureeyeen sanduuqyadii codbixinta.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sheegay in ay si rasmi ah u soo xirantay codeyntu, islamarkaana la guda gali doono tirinta codadka.
“Maqribnimadii ayay soo xirmatay codeynta doorashada, waxaana bilaabanaysa tirinta codadka, iyadoo ay goobjoog ka yihiin goobjoogayaal iyo wakiillo caalami ah, waxayna qaadan doontaa waqti yar,” ayuu yiri Guddoomiyuhu.
Sidoo kale, guddiga doorashooyinka ayaa xusay in habraacyada tirinta codadka loo marayo si waafaqsan xeerarka iyo tilmaamaha doorashooyinka, si loo xaqiijiyo hufnaan iyo kalsooni ay bulshadu ku qabto natiijada kama dambaysta ah.
Doorashadan goleyaasha deegaanka ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda iyo xoojinta maamul-daadejinta, iyadoo natiijooyinka rasmiga ah la filayo in la shaaciyo maalmo ka dib.
Warbaahinta dunida ayaa saacadihii la soo dhaafay si weyn u qaadaa-dhigaysay doorashadan oo ah tii ugu horreysay ee dalk ka dhacda taniyo sanadkii 1969-kii, balse diblumaasiyiinta iyo wakiillada beesha caalamka ayaan wel wax war ah ka soo saarin doorashadan taariikhiga ah.