U bood dhigaalka

Guddiga Doorashada oo ka hadlay halka ay wax marayaan iyo haween Fool ku qabatay Safka Doorashada

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in geedi-socodka codeyntu uu u socdo si habsami leh, ilaa haddana aysan jirin wax carqalad ah ama dhibaatooyin dhanka amniga ah oo laga soo sheegay goobaha ay codbixintu ka socoto.

​Inkastoo ay doorashadu si caadi ah u socoto, haddana waxaa dhacay arrin dadka aad u soo jiidatay ka dib markii laba haween ah oo safaf ugu jiray degmooyinka Wadajir iyo Warta-Nabadda ay ku soo boodday fooli degdeg ah iyagoo sugaya inay codeeyaan.

Xaaladda caafimaad ee haweenkaas awgeed, waxaa markiiba loola cararay isbitaallada ugu dhow si loogu gurmado, iyadoo mas’uuliyiinta goobta ay sheegeen in dhabar-adeygoodu uu tusaale u yahay sida shacabku diyaarka ugu yihiin dhismaha mustaqbalka dalkooda.

​Guddoomiyaha ayaa si gaar ah u ammaanay kaalinta haweenka iyo sida ay ugu dhiiradeen inay saacado badan taagnaadaan safka, isagoo tilmaamay in dareenka dadka ay maanta muujiyeen uu yahay mid taariikhi ah.