U bood dhigaalka

Guddoomiyaha degmada Hodan oo si adag ugu jawaabay mucaaradka doorashada diiddan

Guddoomiyaha degmada Hodan, Cali Faxle, ayaa si kulul ugu jawaabay mucaaradka doorashada diiddan, isagoo sheegay in doorashadu ay tahay xaq shacab oo aan la hor-istaagi karin.

Guddoomiyaha oo la hadlayay Goobjoog TV ayaa sheegay in siyaasiyiin ku sugan Hotel Jazeera, aysan xaq u lahayn inay ka hadlaan ama saameyn ku yeeshaan codka shacabka Muqdisho, isagoo yiri:“Siyaasiyiinta Jazeera joogta ee leh halka milyan ee Xamar joogta cod maleh, waxaan leennahay iimaanka Alle ha idin galiyo”.

Hadalka Cali Faxle ayaa yimid xilli ay si habsami leh u socoto doorashada golayaasha degaanka, isla markaasna ay dadweynaha ku sugan Muqdisho si ballaaran ugu jiraan safafka codbixinta.

Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in codka iyo go’aanka mustaqbalka magaalada ay leeyihiin dadka ku nool, isaguna uu sugayo wixii ka soo baxa natiijada doorashadan oo uu musharrax gole degaan ka yahay.