Maxaa laga doonayaa codbixiyeyaasha iyo dadweynaha kale ee aan doorashada ka qeyb-galayn?
Markii ay doorasho dhacayso inta badan dadweynuhu kama wada qeyb-galaan xitaa haddii aysan jirin duruufo u diidaya inay codeeyaan, waxaana jira dad badan oo guryahooda jooga xilliyada doorashada ama waxa dhacaya warbaahinta kala socda.
Dadkaasi waxay isugu jira laba qolo, qolo waxay sugaan natiijada oo wixii soo baxa ayay taageeraan, halka koox kalena ay diidmo iyo dood ka keenaan sida wax u socdaan, iyadoo xitaa rabshado iyo warar been abuur ah ku lugyeesha.
Haddaba dadka aan doorashada ka qeyb-galayn maxaa la gudboon ?
Si ay xeeldheerayaashy ku talinayaan dadweynaha aan ka qeyb-galayn doorashada waxaa wanaagsan inay ka fogaadaan goobaha codbixinta, si aysan u carqaladeyn shaqada doorashada ama u keenin ciriiri amni.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in aysan faafin warar been ah ama hadallo kicin kara rabshado, gaar ahaan baraha bulshada, maadaama xilliga doorashada wax waliba ay xasaasi yihiin.
Sidoo kale dadka codeynaya waxaa la gudboon inay ilaaliyaan habraaca doorashada, ka fogaadaan is buurashada, islamarkaana ay u hoggaansamaan tilmaama howl-wadeennada doorashada.
Dhanka kale laamaha amaanka iyo kooxaha gargaarka degdegga ah ayaa ku sugan goob walba oo codbixintu ka socato, waxaana muwaadin walba la gudboon inuu wixii dhibaato iyo caqabad oo soo wajaha ku wargeliyo cidda ku shaqada leh.
Amniga ayaa ah furaha lagu xaqiijin karo in doorashadu u dhacdo si xor ah, xasiloon oo ka tarjumeysa rabitaanka dhabta ah ee shacabka Soomaaliyeed, waxaana muhiim ah in cid waliba ay ka fogaato wixii rabshado iyo fowdo keeni kara.