U bood dhigaalka

Maxay ka dhigantahay in ku dhowaad 60 sano ka dib maanta ay Muqdisho si nabad ah doorashada qof iyo cod ahi uga qabsoonto?

Doorashada goleyaasha deegaanka ayaa si habsami leh uga socota goobaha codbixinta gobolka Banaadir, iyadoo amniga si weyn loo adkeeyay si loo xaqiijiyo nabadgelyada codbixiyeyaasha iyo hannaanka doorashada.

Dadweynaha ayaa si ballaaran uga qeyb qaadanaya doorashada, iyagoo safaf dhaadheer ugu jira dhiibashada codkooda, taas oo muujinaysa xiisaha iyo rajada shacabka.

Ka hor inta aanay doorashadu billaaban, walaaca ugu weyn ee la qabay wuxuu ahaa dhanka amniga, balse xaaladda haatan ka jirta goobaha codbixinta ayaa muujinaysa in doorashadu u socoto si degan oo habsami leh.

Ku dhowaad 10,000 oo askari oo ka kala tirsan ciidamada amniga ayaa si buuxda u sugaya ammaanka, iyagoo heegan buuxa ku jira.

Madax ka tirsan dowladda ayaa durbaba codeeyay, iyagoo fariin u diray dadweynaha kuna dhiirrigeliyay inay ka faa’iideystaan fursadda taariikhiga ah oo ay codkooda dhiibtaan.

Doorashadan goleyaasha deegaanka ayaa loo arkaa mid ka dhigan ileyska dimuqraadiyadda oo mar kale ka iftiimaya Soomaaliya, kadib ku dhowaad 40 sano oo uu dalka soo maray marxalado adag.

Dad badan ayaa rajeynaya in natiijada doorashadani ay horseedi doonto maamullo deegaanka ah oo matala rabitaanka shacabka isla markaana ka shaqeeya horumar iyo xasillooni waarta.