Muqdisho oo saaka wada bandow ah iyo dadweynaha oo safaf dheer dheer ugu jira goobaha codbixinta
Magaalada Muqdisho ku dhowaad 60 sano ka dib waxaa saaka looga dareeray doorasho dadweyne oo taariikhi ah, taas oo lagu dooranayo goleyaasha deegaannada caasimadda, ayadoo
kumannaan qof ayaa safaf dhaadheer ugu jiro goobaha codbixinta.
Jidadka waaweyn ee magaalada, goobaha ganacsiga, xarumaha waxbarashada iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa si ku-meel-gaar ah loo xiray, si loo xaqiijiyo amniga iyo habsami u socodka doorashada.
Dadweynaha ayaa si ballaaran uga qeyb qaadanaya codbixinta, iyagoo muujinaya xiisaha iyo rajada laga qabo hannaankan dimuqraadiyadeed.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta guddiga doorashooyinku in ka badan 5,00000 oo qof ayaa si toos ah uga qeyb-galaya doorashada, iyadoo codbixintu ka soconeyso 523 goobood oo ku kala yaalla gobolka Banaadir.
Doorashadan waxaa ku tartamaya 20 urur siyaasadeed, kuwaas oo mid walba uu doonayo inuu kasbado kalsoonida codbixiyeyaasha.
Dhanka amniga, waxaa sugayo in ka badan 10,000 askari oo ka kala tirsan ciidamada amniga, kuwaas oo heegan buuxa ku jira, si ay uga hortagaan wax kasta oo carqaladeyn kara doorashada.
Inkasta oo jawigu guud ahaan yahay mid degan, haddana qaar ka mid ah mucaaradka ayaa si weyn u muujiyay diidmo ku aaddan habraaca doorashada, iyagoo walaac ka muujiyay arrimo la xiriira hufnaanta iyo isku-dheellitirka geeddi-socodka.
Codbixinta ayaa haatan si rasmi ah u billaabatay goobaha qaar, iyadoo indhaha shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba ay si dhow ula socdaan sida ay u hirgasho doorashadan taariikhiga ah ee Muqdisho.