U bood dhigaalka

Warbaahinta dunida oo si weyn u hadal-haysa Doorashada maanta ka dhacaysa Muqdisho

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal haysa doorashada goleyaasha deegaanka ee ka socota magaalada Muqdisho, taas oo loo arko tallaabo taariikhi ah oo lagu wajahayo hirgelinta doorashooyin toos ah oo qaran, markii ugu horreysay muddo ka badan nus qarni.

Sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters iyo warbaahin kale oo caalami ah, dadka ku nool caasimadda Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah u dareeray codbixinta doorashooyinka degmooyinka, kuwaas oo la rumeysan yahay inay gogol-xaar u noqonayaan doorashooyin qaran oo toos ah.

Soomaaliya markii ugu dambeysay ee ay qabato doorasho dadweyne oo toos ah waxay ahayd sanadkii 1969, wax yar ka hor afgambigii uu xukunka kula wareegay Jenaraal Maxamed Siyaad Barre.

Warbaahinta caalamka ayaa xustay in tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1991, dalka uu soo maray dagaallo sokeeye iyo xasillooni darro, taasoo sababtay in sanadkii 2004 la qaato nidaamka doorashooyinka dadban.

Nidaamkaas ayaa ku dhisnaa in odayaal beeleed ay soo xulaan xildhibaanno, kuwaas oo iyaguna doorta madaxweynaha, halka duqa Muqdisho uu magacaabo madaxweynaha.

Si kastaba, qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ayaa warbaahinta u sheegay in nidaamkaasi uu fursad u abuuro musuqmaasuq siyaasadeed, matalaad xumo, iyo kala qeyb-sanaan bulsho.

Doorashada ka socota Muqdisho ayaa ah mid si gaar ah indhaha loogu hayo, maadaama ay tahay magaalo ay ku nool yihiin ku dhowaad 4 milyan oo qof, isla markaana amnigeedu uu soo hagaagay sannadihii u dambeeyay.