U bood dhigaalka

Wasiir Cali Xoosh: “Waa markii iigu horreysay ee aan nasiib u yeesho ka qeybgalka doorasho qof iyo cod ah.”

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, Mudane Cali Yuusuf Cali (Cali-Xoosh), ayaa ka mid noqday masuuliyiinta dowladda ee maanta codkooda ka dhiibtay doorashada goleyaasha deegaanka ee ka socota magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inuu markii ugu horraysay codkiisa dhiibanayo.

Wasiir Cali-Xoosh ayaa sheegay in xitaa isaga laftiisu uusan horay u helin fursad uu kaga qeybgalo doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacaysa dalka, tan iyo intii uu noolaa, balse maanta ay u tahay markii ugu horraysay ee uu si toos ah codkiisa u dhiibto.

Wuxuu arrintan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo muujinaysa isbeddel dhab ah oo ku yimid hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale adkeeyay in codka shacabka uu yahay awood aan la hor-istaagi karin, isagoo intaas ku daray in dadka doorashada suuradxumaynaya aan cidina u joojin doonin.