Aqoonsiga Israa’iil, Soomaaliland ma ka dhigi karaa dowlad madax-bannaan?
Dood siyaasadeed oo xooggan ayaa ka dhalatay wararka sheegaya in Israa’iil ay aqoonsatay Soomaaliland, iyadoo su’aasha ugu weyn ee la isweydiinayo ay tahay in aqoonsiga Israa’iil uu Soomaaliland ka dhigi karo dowlad madax-bannaan oo si buuxda uga mid noqota beesha caalamka.
Khabiirro ku xeel dheer arrimaha diblomaasiyadda iyo sharciga caalamiga ah ayaa isku raacay in aqoonsiga hal dal, xitaa haddii uu yahay dal saameyn leh sida Mareykanka ama Ruushka uusan ku filnayn in maamul gooni u taagan uu helo sharciyad caalami ah oo buuxda, isla markaana uu noqdo dowlad madax-bannaan marka la eego xeerarka caalamiga ah.
Si ay Soomaaliland u gaarto heer dowladnimo oo caalami ah, waxaa lama huraan ah inay hesho aqoonsi ballaaran oo ay bixiyaan hay’adaha muhiimka ah ee caalamka, gaar ahaan Midowga Afrika, oo leh kaalin muhiim ah oo ku saabsan go’aaminta masiirka xuduudaha dalalka Afrika, iyo sidoo kale dalalka waaweyn ee saameynta ku leh siyaasadda caalamka.
Sidoo kale, Soomaaliland waxay u baahan tahay aqoonsi ka yimaada ururrada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, sida Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), kuwaas oo inta badan mowqif mideysan ka qaata arrimaha la xiriira midnimada dalalka xubnaha ka ah, gaar ahaan Soomaaliya.
Inkasta oo aqoonsiga Israa’iil uu horseedi karo iskaashi toos ah oo labada dhinac ah dhex mara, sida dhinacyada amniga, ganacsiga, tiknoolajiyadda iyo beeraha, haddana khubaradu waxay sheegayaan in iskaashigaas uu ahaan doono mid laba geesood ah, balse uu ku ekaan doono xiriir u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland, isagoo aan si toos ah u beddeli karin xaaladda sharci ee Somaliland ee heer caalami.
Waxaa sidoo kale aqoonsiga Israa’iil waxa uu dhiirrigelin u noqon karo dalal kale inay ku daydaan tallaabadaas, gaar ahaan dalal leh danaha istiraatiijiyadeed ee gobolka Geeska Afrika.