U bood dhigaalka

Golaha Iskaashiga Khaliijka oo ka soo horjeestay aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland

Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) ayaa si cad uga horyimid go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, isagoo ku tilmaamay tallaabo halis ah oo ka baxsan qawaaniinta caalamiga ah isla markaana si toos ah u dhaawacaysa madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka, Jassim Al-Budaiwi, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland uu yahay ficil sharci-darro ah oo si cad u jebinaya mabaadi’da sharciga caalamiga ah.


Wuxuu carrabka ku adkeeyay in tallaabadan ay khatar ku tahay xasilloonida gobolka, isla markaana ay faragelin ku tahay arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Al-Budaiwi ayaa sidoo kale xusay in GCC ay mar walba taageersan tahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah, kana fogaadaan tallaabooyin dhaawacaya xasilloonida iyo nabadda Geeska Afrika.

Golaha Iskaashiga Khaliijka ayaa mar kale ku celiyay mowqifkiisa ah in mustaqbalka Soomaaliya lagu saleeyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, laguna xalliyo arrimaha siyaasadeed wada-hadal iyo is-afgarad ku dhisan sharciga caalamiga ah.