Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo lagu wado inay go’aanno ka soo saaraan kulan degdeg ah oo hadda u socda
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in goor dhow ay bulshada Soomaaliyeed la wadaagaan go’aanno muhiim ah oo ka soo baxay kulan aan caadi ahayn oo ay caawa yeesheen.
Kulankan degdegga ah ayaa la sheegay in uu diiradda saaray arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda iyo go’aanno la filayo inay saameyn ku yeeshaan jihada dowladnimo ee dalka.
Ilo wareedyo ku dhow xukuumadda ayaa tilmaamay in go’aannada kulankaasi ay yihiin kuwo muhiim u ah masiirka dalka, islamarkaana si rasmi ah loo shaacin doono marka la soo gebagabeeyo habraaca dowladeed ee ku aaddan faafintooda.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale la filayaa inay bulshada u caddeeyaan ujeedada kulankan aan caadiga ahayn iyo tallaabooyinka la qaadi doono, iyadoo dadweynaha Soomaaliyeed ay isha ku hayaan nuxurka go’aannadaasi.