U bood dhigaalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si adag uga hadlay xadgudubka Israa’iil ee madax-bannaanida Soomaaliya

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay tillaabadii ay Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Soomaaliland.

“Sharciga caalamiga ah wuxuu ku waajibinayaa Israa’iil inay u hoggaansanto oo ixtiraamto midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya. Aqoonsiga qayb ka mid ah Soomaaliyana waa jebin buuxda oo arrintaas ka dhan ah”.
Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu intaa ku daray in Somaliland ay tahay qayb lama huraan ah oo ka mid ah Soomaaliya, Shacabka Soomaaliyeedna ay si adag ugu mideysan yihiin difaaca madax-bannaanidooda.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli maamulka Israa’iil uu saacado ka hor ku dhawaaqay inuu si rasmi ah u aqoonsaday Soomaaliland,islamarkaana xariir iyo iskaashi u billaaban doonaan labada dhinac.