Ciraaq oo Cambaareysay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, Adkeysayna Taageerada Qaranimada Soomaaliya.
Sheeko:Midnimada Soomaaliya
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Ciraaq waxay si adag u cambaareysay aqoonsiga uu nidaamka Israa’iil u fidiyay waxa loogu yeero “Somaliland”, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay mid ka horimanaysa mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo xadgudub badheedh ah oo lagu sameeyay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Ciraaq oo hadda haysa hoggaanka wareegtada ee Jaamacadda Carabta waxay caddeysay in go’aankaas uu khatar toos ah ku yahay amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika uuna sii murjinayo xaaladaha gobolka, iyadoo loogu baaqay beesha caalamka iyo ururrada caalamiga ah inay qaataan mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta sharciga iyo difaaca madax-bannaanida dalalka xubnaha ka ah.