U bood dhigaalka

IGAD oo ka soo horjeestay aqoonsiga Soomaaliland

Urur goboleedka dalalka bariga iyo Geeska Afrika ee IGAD ayaa si weyn uga soo horjeestay aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland.

IGAD ayaa si cad u muujisay mowqifkeeda adag ee ku aaddan midnimada, madaxbannaanida iyo dhul-weynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib horumaro dhawaanahan ka dhacay Geeska Afrika.

War-saxaafadeed ka soo baxay IGAD ayaa lagu sheegay in ururku si dhow ula socday wararka la xiriira sheegashooyinka ku saabsan aqoonsiga Somaliland ee ay sheegtay dowladda Israa’iil.

IGAD waxay ku adkaysatay in Soomaaliya ay tahay dowlad xubin ka ah IGAD oo leh qaranimo buuxda, islamarkaana midnimadeeda iyo xuduudaheeda ay si buuxda u aqoonsan yihiin shuruucda caalamiga ah.

Xoghaynta IGAD ayaa tilmaantay in tallaabo kasta oo aqoonsi hal-dhinac ah ay ka hor imanayso Axdiga Qaramada Midoobay, Xeerka Aasaaska Midowga Afrika, iyo heshiiska lagu aasaasay IGAD, kuwaas oo dhammaantood dhowraya madax-bannaanida iyo wadajirka dalalka xubnaha ka ah.

Sidoo kale, IGAD waxay ugu baaqday dhammaan saaxiibada caalamiga ah iyo daneeyeyaasha inay dhowraan sharciga caalamiga ah, isla markaana ay taageeraan wadahadallo iyo hannaano siyaasadeed oo xoojinaya nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga gobolka.


Ugu dambeyn, IGAD waxay mar kale adkaysay garab-istaagga ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ballan-qaadday inay sii wadi doonto taageerada geeddi-socodyada siyaasadeed ee loo dhan yahay iyo iskaashiga goboleed, si loo xaqiijiyo nabad waarta, xasillooni iyo horumar ka hanaqaada Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka IGAD.