U bood dhigaalka

Kuwait oo si adag uga soo horjeestay aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland

Dowladda Kuwait ayaa si cad u diidday tallaabada ay maamulka Israa’iil ku sheegeen aqoonsiga Somaliland inay tahay dowlad madax-bannaan, iyadoo arrintaas ku tilmaantay mid si toos ah uga hor imaneysa sharciga caalamiga ah.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kuwait, Sabtidii, ayaa lagu sheegay in aqoonsi hal-dhinac ah oo noocan ah uu jebinayo xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah, isla markaana uu dhaawacayo madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay mar kale adkaysay in Kuwait ay si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya guud ahaan dhulkeeda, isla markaana ay si adag uga soo horjeeddo siyaasad kasta oo wiiqaysa qaranimada Soomaaliya.

Sidoo kale, Dowladda Kuwait ayaa muujisay garab-istaaggeeda buuxa ee hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo xustay inay sii wadi doonto taageerada ay siiso dadaallada lagu ilaalinayo midnimada, xasilloonida iyo sharcinimada qaranka Soomaaliyeed.