U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo wada-tashiyo qaran la yeeshay madaxdii hore iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira wada-tashiyo qaran oo lagu xoojinayo difaaca midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dalka, ayaa kulan ballaaran la yeeshay Madax hore oo heer qaran ah iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira ilaalinta qaranimada, midnimada dhuleed iyo ka jawaabista duulaanka qaawan ee Israa’iil ku soo qaaday qarannimada dalka, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-tashi qaran iyo midnimo siyaasadeed.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorka ay Madaxda hore ee dalka iyo hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ku leeyihiin talo-siinta qaranka, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in difaaca midnimada iyo madax-bannaanida dalka ay tahay mas’uuliyad wadareed ka sarraysa kala duwanaanshaha siyaasadeed, waajibna ka dhigaysa in la mideeyo cududda iyo caqliga dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi, Culimada Soomaaliyeed, iyadoo kulamadaas ay barbar socdeen xiriiro khadka taleefanka ah oo Madaxweynuhu la sameeyay Madaxda dalalka Gobolka, kuwa Caalamka iyo Ururuada Caalamiga ah.