U bood dhigaalka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WADAHADALLO DEGDEG AH LA YEESHAY MADAXDA GOBOLKA, KANA HELAY TAAGEERO BUUXA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xiriirro diblumaasiyadeed oo heerkiisu sarreeyo la sameeyey hoggaamiyeyaasha ugu horreeya ee Gobolka Bariga Afrika iyo Geeska Afrika. Wada-hadalladan oo dhacay maanta oo ay taariikhdu tahay 27-ka Diseembar, 2025, ayaa ujeedkoodu ahaa in looga falceliyo xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya kaas oo uga yimid dhinaca Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda.

Madaxweynaha ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Jabuuti ahna Guddoomiyaha IGAD Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya William Ruto oo hoggaamiya dalladda EAC, Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan, iyo Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

​Intii ay wada-hadalladu socdeen, hoggaamiyeyaashan ayaa muujiyey mowqif adag oo mideysan, iyagoo si aan gabasho lahayn u caddeeyey inay barbar taagan yihiin qarannimada iyo midnimada dalka Soomaaliya.

Waxay hoosta ka xariiqeen in tallaabo kasta oo lagu aqoonsanayo qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya ay tahay mid sharci-darro ah, isla markaana ka horimaneysa mabaadi’da aasaasiga ah ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Dadaalladan diblumaasiyadeed ee uu hormuudka u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso in ay adeegsato dhammaan dariiqyada sharciga iyo siyaasadda ee caalamiga ah si loo difaaco sharafta iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed, iyadoo dhanka kalena laga feejigan yahay wax kasta oo dhib u keeni kara xasilloonida guud ee gobolka.