U bood dhigaalka

Natiijada Doorashada Banaadir: In ka badan 22,000 oo Cod oo Xumaaday

​Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka ayaa si rasmi ah u soo bandhigay warbixinta guud ee natiijada doorashooyinka golayaasha deegaanka ee caasimadda Muqdisho.

Doorashadan oo ahayd mid taariikhi ah, waxay ka qabsoontay 16 degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

​Tartanka ayaa ahaa mid aad u ballaaran, iyadoo ay ku loolameen 20 urur siyaasadeed.

Ururradan ayaa u tartamayay 390 kursi oo ka tirsan golayaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka.

​Sida ku xusan xogta guddiga, tirada dadka ka qayb qaatay codbixinta iyo natiijada codadka ayaa u dhignayd sidan:

​Wadarta dadka codaystay: 233,314 qof.

​Codadka ansaxay: 210,586 cod.

​Codadka xumaaday: 22,728 cod.

​In kasta oo ay is-diiwaangeliyeen ku dhowaad hal milyan oo qof (923,220 qof), haddana tirada dhabta ah ee codaysay (233,314) waxay muujinaysaa farqi weyn oo u dhexeeya dadka is-diiwaangeliyey iyo kuwa si dhab ah u codeeyey.