Dowladda Qadar oo si adag uga hortimid aqoonsiga Soomaaliland
Dowladda Qatar ayaa si cad uga hortimid ku dhawaaqista aqoonsiga labada dhinac ee u dhexeeya mas’uuliyiinta guumaysiga Israa’iil iyo gobolka Somaliland.
War Saxaafadeed ay soo saartay dowladda Qatar ayaa lagu yiri”
Dowladda Qatar waxay si cad u diidaysaa ku dhawaaqista aqoonsiga labada dhinac ee u dhexeeya mas’uuliyiinta qabsashada Israa’iil iyo gobolka Somaliland, waxayna xaqiijinaysaa in tallaabadani ay tahay tallaabo khatar ah iyo tallaabo hal dhinac ah oo ka soo horjeeda mabaadi’da sharciga caalamiga ah, isla markaana xadgudub ku ah madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka ee walaalaha ah ee Soomaaliya.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay ku nuuxnuuxsanaysaa diidmada Dowladda Qatar ee isku dayga lagu dhisayo ama lagu soo rogo hay’ado is barbar socda oo wiiqaya midnimada Soomaaliya, iyadoo xaqiijinaysa taageerada buuxda ee ay u hayso hay’adaha sharciga ah ee dawladda Soomaaliya iyo sida ay uga go’an tahay ilaalinta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.
Iyo inuu ilaaliyo danaha dadkiisa walaalaha ah.
Wasaaraddu waxay xaqiijinaysaa in mas’uuliyiinta qabsashada Israa’iil ay tahay inay aqoonsadaan Dowladda Falastiin, oo xuquuqdeeda ah inay ka dhisto dalkeeda madaxbannaan dhulkeeda qaran ay si wadajir ah ugu heshiiyeen bulshada caalamka, iyo inay ka shaqeeyaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ka socda Marinka Gaza si waara, halkii ay sii wadi lahaayeen inay wiiqaan sharciyadda caalamiga ah iyo inay raacaan siyaasadahooda aan taxaddarka lahayn ee gacan ka geysta hurinta xiisadda iyo xasillooni darrada gobolka.
Wasaaraddu waxay ku celinaysaa mowqifka adag ee Dowladda Qatar ee ku aaddan taageerada madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna ku baaqeysaa in la raaco sharciga caalamiga ah iyo in la ixtiraamo qaraarrada caalamiga ah ee sharciyeynta.
Waxay sidoo kale dib u cusboonaysiinaysaa baaqeeda ku aaddan dadaallada caalamiga ah ee wadajirka ah si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika”.