Turkiga oo mar kale si adag uga hadlay aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland
Madaxa Isgaarsiinta Madaxtooyada Türkiga, Burhanettin Duran, ayaa si adag u cambaareeyay hadalka Israa’iil ee ku saabsan aqoonsiga madaxbannaanida Soomaaliland, isaga oo ku tilmaamay tallaabo si cad ugu xadgudbeysa sharciga caalamiga ah.
Duran ayaa sheegay in go’aankan uu faragelin toos ah ku yahay arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu si toos ah u beegsanayo madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka, taas oo khatar gelinaysa xasilloonida jilicsan ee ka jirta Geeska Afrika.
wuxuu intaas ku daray in mowqifkan uu ka mid yahay waxa uu ku tilmaamay siyaasad mas’uuliyad-darro ah oo ay qaadato xukuumadda Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, taas oo, sida uu sheegay, leh taariikh madow oo ku saabsan xasuuq iyo gumeysi, isla markaana dhaawacaysa dadaallada lagu doonayo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha gobolka.
Burhanettin Duran ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay qaataan mowqif mideysan oo ka dhan ah tallaabooyinka noocan ah, kuwaas oo uu sheegay inay sii hurinayaan xiisadaha, islamarkaana kordhinayaan khataraha amni ee ka taagan Geeska Afrika.
Ugu dambeyn, Dowladda Türkiga ayaa mar kale si cad u xaqiijisay in ay si buuxda oo go’aan adag leh u sii wadi doonto taageerada ay u hayso madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo garab istaagaysa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.