Wax ka ogow Dalalka iyo ururrada Caalamiga ah ee Ka Soo Horjeestay Aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland
Go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay ku aqoonsatay Sopmaaliland ayaa abuuray buuq diblumaasiyadeed oo xooggan, islamarkaana dhaliyay cambaareyn ballaaran oo ka timid dalal iyo ururro caalami ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u diidday aqoonsiga ay Israa’iil sheegtay, iyadoo ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo faragelin ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dalka.
Dowladda Soomaaliya waxay mar kale ku celisay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya, islamarkaana aan la aqoonsan karin si ka baxsan rabitaanka qaranka iyo hay’adaha caalamiga ah ee khuseeya.
Sidoo kale, ururro goboleed iyo kuwo caalami ah ayaa si wadajir ah uga horyimid tallaabada Israa’iil, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Khaliijka (GCC), iyo Midowga Afrika ayaa dhammaantood adkeeyay mowqifkooda ku aaddan ilaalinta midnimada Soomaaliya, iyagoo ku baaqay in la ixtiraamo xuduudaha iyo go’aannada caalamiga ah ee jira.
Dalal dhowr ah oo saameyn ku leh siyaasadda gobolka iyo tan caalamiga ah ayaa sidoo kale si cad uga soo horjeestay aqoonsiga la sheegay, Shiinaha, Turkiga, Sacuudiga, Masar, Ciraaq, iyo Jabuuti ayaa muujiyay diidmo, iyagoo ku adkeystay in arrinta Soomaaliland lagu xalliyo wada-hadal Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka gaabsaday in Mareykanku qaado tallaabo la mid ah tan Israa’iil, isagoo sheegay in waqtigan aanay qorshahooda ku jirin aqoonsiga Somaliland, balse ay arrinta ka fiirsanayaan.
Hadalkan ayaa muujinaya kala aragti duwanaansho weli ka taagan masraxa caalamiga ah, ayadoo ay xusid mudantahay in Israa’iil lafteedu aysan aqoonsi ka haysan in ka badan 30 dal oo taageersan qadiyadda Falastiin, kuwaas oo Soomaaliya ay safka hore kaga jirto.