U bood dhigaalka

Bannaanbax lagu diiddan yahay aqoonsiga Soomaalilaan ay ka heshay Israa*l oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Boorama.

Bannaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo aqoonsiga dawladda Yuhuuddu ay sheegtay in ay siisay maamulka Soomaalilaan ayaa ka dhacay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Boqollaal ka mid ah shacabka ku nool magaaladaas ayaa muujiyay dareenkooda xanbaarsan diidmada duullaanka gardarrada ah ee xukuumadda Netenyahu ay ku soo qaaday madaxbanaanida dhuleed iyo wadajirka ummadeed ee Soomaaliya.

Waxay shacabku cod dheer ku sheegeen in ay diidan yihiin aqoonsiga ka yimid Israa*l, waxaana ay ku doodeen in weli uu qoyan yahay dhiigga dhallinyaradii lagu laayay magaaladaas toddobaadyo ka hor, ka dib bannaanbaxyo rabshado watay oo ka dhacay Boorama.

Sidoo kale, waxay sheegeen in aysan diyaar u ahayn in ay u sacabba-tumaan Yuhuudda oo ah gumayste dunida oo dhan laga nacay.

Isu-soo-baxaan ayaa ku soo aadaya xilli fashil xooggan uu wajahayo go’aankii Israa*l ay ku sheegtay in ay aqoonsatay Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, dawlado badan oo caalamka ah iyo ururrada ugu waaweyn dunida qaarkood ayaana si adag uga hor yimid gardarrada Yuhuudda.

Dhankeeda dawladda Soomaaliya waxay wadday tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ay ku burburinayso duullaanka Israa*l, taasi oo keentay in taageero degdeg ay u hesho difaaca dalka iyo midnimada ummadeed ee Soomaaliya.