U bood dhigaalka

Dawladda Soomaaliya oo si Rasmi ah uga Sheegtay Israa’iil in ay ka Laabato Aqoonsiga Maamulka Soomaalilaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa si adag u cambaareeyay go’aanka Isra1l ay ku sheegtay aqoonsiga Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay tallaabo gardarro ah, sharcidarro ah, kuna ah dagaal qaawan midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo qarannimada Soomaaliya ay yihiin lamataabtaan, taas oo waafaqsan Dastuurka Qaranka, qaraarrada Baarlamaanka, iyo hadalladii Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Waxaa la sheegay in go’aankan uu khatar ku yahay amniga gobolka, gaar ahaan marinka Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Bariga Dhexe, isla markaasna uu dhiirrigelin karo xagjirnimo iyo argaggixiso, taas oo lid ku ah xasilloonida caalamka.
Soomaaliya waxay si rasmi ah Israa’*l uga dalbatay inay ka laabato go’aankan, iyadoo ballanqaaday inay qaadi doonto tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ku habboon si loo difaaco madaxbannaanida iyo midnimada dalka.

Ugu danbayn, Wasiirku wuxuu xusay in wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaalilaan ay sii socon doonaan, si xal Soomaali u gaar ah, nabadeedna loogu helo arrimaha jira, iyadoo laga fogaanayo faragelin dibadeed.