U bood dhigaalka

Dowladda Nigeria oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Nigeria ayaa si cad u muujisay mowqifkeeda ku aaddan midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Nigeria, kuna taariikheysan 27-ka December 2025.

Warsaxaafadeedka oo cinwaankiisu yahay “Nigeria Calls for Respect of the Sovereignty, Territorial Integrity and Unity of Somalia” ayaa lagu sheegay in dowladda Nigeria ay mar kale xaqiijisay ballanqaadkeeda adag ee ku aaddan ilaalinta mabda’a madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.

Nigeria ayaa caddeysay inay si buuxda u taageersan tahay midnimada, wadajirka iyo dowladnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo xustay in dowladda Soomaaliya ay tahay hay’adda keliya ee sharciyadda ku matasha shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxay bogaadisay dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan sugidda amniga, nabadda iyo dib-u-heshiisiinta qaran, inkastoo ay jiraan caqabado waaweyn.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in Nigeria ay si weyn u cambaareyneyso tallaabo kasta ama hadal kasta oo lagu wiiqayo nidaamka dastuuriga ah iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Waxay ugu baaqday dhammaan dalalka gobolka iyo kuwa caalamka inay si buuxda u ixtiraamaan madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana ay taageeraan hay’adaha dowladda ee ku howlan dib-u-dhiska dal xasilloon, horumaraya oo adkaysi leh.

Dowladda Nigeria ayaa sidoo kale tilmaantay in xasilloonida Soomaaliya ay laf-dhabar u tahay nabadda iyo amniga guud ee Geeska Afrika iyo qaaradda Afrika, taasoo keentay in Nigeria ay sii waddo taageerada ay Soomaaliya siiso iyada oo loo marayo iskaashi caalami ah iyo habab badan oo diblumaasiyadeed.

Ugu dambeyn, Nigeria waxay si adag ugu baaqday beesha caalamka inay ka waantoobaan aqoonsiga qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya oo loo aqoonsado dal madax-bannaan, iyadoo sheegtay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay sii hurin karto xiisadda, isla markaana ay khatar ku tahay xasilloonida gobolka.