Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS oo sheegay in Netanyahu uu yahay dembiile ay maxkamadaha adduunku raadinayaan
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay tillaabadii xadgudubka ahayd ee uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu dhowaan ku aqoonsaday Soomaaliland.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Netanyahu, oo uu ku tilmaamay “nin dembiile ah oo ay raadinayaan maxkamadaha caalamiga ah,” uu mas’uul ka yahay xasuuq ballaaran oo ka dhan ah shacabka Falastiin, isla markaana hadda uu ku gorgortamayo in dadka Falastiiniyiinta ah ee ka badbaaday colaadda laga barakiciyo dhulkooda.
Waxa uu Guddoomiyuhu ku eedeeyay Netanyahu inuu doonayo inuu adduunka ka raadiyo meelo lagu barakiciyo dadka Falastiiniyiinta, taas oo uu ku sifeeyay fal ka hor imanaya shuruucda iyo qiyamka caalamiga ah.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa si cad u diiday hadal uu sheegay in Netanyahu ku sheegay in Soomaaliya qeyb ka mid ah uu u aqoonsanayo dowlad gaar ah si arrintaas loogu fuliyo ujeeddooyin la xiriira barakicinta Falastiiniyiinta.
Guddoomiyuhu wuxuu xusay in hadalladaas ay si toos ah weerar ugu yihiin madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo sharafta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa hadalladan ka jeediyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen mudaneyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo si gaar ah diiradda loogu saarayay xadgudubka Israa’iil ee midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.