U bood dhigaalka

Isimada Puntland oo madaxda maamulkaas ugu baaqay inay muujiyaan mowqifkooda ku aaddan xadgudubka Dalka lagu kala goynayo

Suldaan Garaase Suldaan Cali, oo ka mid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed, gaar ahaan deegaannada Puntland ayaa si kulul uga hadlay aqoonsiga lagu muransan yahay ee Israa’iil ay siisay Somaliland, iyo aamusnaanta madaxda iska.

Suldaanka ayaa ugu baaqay madaxda dowlad-goboleedka Puntland inay muujiyeen mowqifkooda ka dhanka ah kala goynta dalka, taas oo uu ku tilmaamay mid halis ku ah midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Suldaanka ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin in madaxda Puntland ay ka aamusaan arrin uu ku tilmaamay “fadeexad qaran oo boqolaal sano ahaan doonta bar madow Soomaali ku taalla.

“Puntland madaxdeena kama oggolaanayno inay ka aamusaan fadeexaddan dhacday oo dalka lagu kala goynayo, haddii ay dantooda gaarka ah fiirsadaan, kuwa ka feecan oo xilkan u qalma ayaanu keenaynaa,” ayuu yiri Suldaan Garaase.

Suldaanka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in madaxda Puntland ay xilalka ku joogaan karaamada iyo kalsoonida ay ka heleen shacabkooda, taas oo waajib ka dhigaysa inay si cad uga shaqeeyaan difaaca midnimada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay xaaladda dalku meel adag marayso, islamarkaana lagu soo duulay qarannimada iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.