Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Kulan wada-tashi ah la yeeshay Madaxda dawlad-goboleedyada
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shir looga hadlay ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka la qaatay, qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa la wadaagay qorshaha dowladda ee ku aaddan ka hortagga xadgudubka ka dhanka ah Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ku kacay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed ay dadaal xoogan galisay ilaalinta qarannimadda iyo midnimada dalka, iyada oo u maraysa xeerarka caalamiga ah, waxa uuna adkeeyey muhiimadda ay leedahay in loo midoobo ka hortagga damaca gurracan ee wiiqaya jiritaankeenna.
Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada K/Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle, Waqooyi-bari iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ee kulanka ka qayb galay ayaa adkeeyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah dhulka iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ka digay cawaaqibka aan la mahdin iyo culeyska amni ee tallaabadaasi u horseedi karta Gobolka, iyagoo caddeeyay sida ay ugu garab taagan yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda dadaalada diblomaasiyadeed ee gudaha iyo dibedda uu ka wado.