Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Madaxda Ururadii ka Qaybgalay Doorashooyinkii Gobolka Benaadir
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay hoggaanka 20-ka urur siyaasadeed ee u tartamay doorashadii taariikhiga ahayd ee golaha deegaanka degmooyinka Gobolka Benaadir.
Madaxweynaha ayaa si weyn ugu bogaadiyay ururadan kaalintii muhiimka ahayd ee ay ka qaateen hirgelinta hannaanka dimuquraadiyadda iyo dhabar-adaygii ay muujiyeen intii ay socotay doorashada dhacday 25-kii bishan Diseembar. Isaga oo hadalkiisa sii wata, Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xarriiqay in guushan ay tahay bilowga himmilada Soomaaliya oo xor ka ah nidaamyadii hore, loona gudbayo dal nabad ah oo isku filan.
Sidoo kale, Madaxweynaha iyo madaxda ururadu waxay si qoto dheer uga wadahadleen difaaca qarannimada iyo adkaynta midnimada dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhiirrigeliyay madaxda ururada inay sii wadaan doorkooda ku aaddan diidmada damacyada gurracan ee lala damacsan yahay qaybinta dhulka Soomaaliya.
Dhankooda, hoggaanka ururadu waxay ku ammaaneen Madaxweynaha go’aankii uu talada dalka dib ugu celiyay shacabka, iyagoo caddeeyay inay si buuxda dowladda ugu garab taagan yihiin ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.