Madaxweyne Xasan Sheekh oo Tallaabada Gardarrada ah ee Netanyahu ku Tilmaamay Duullaan Qaawan oo ka Dhan ah Madaxbannaanida JFS
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hadal kulul ka soo saaray ficillada ugu dambeeyay ee uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, isagoo ku tilmaamay tillaabo aan marnaba la aqbali karin.
Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa caddeeyay in falkaasi uu yahay mid si cad uga horimaanaya qawaaniinta iyo xeerarka caalamiga ah, isla markaana uu u dhigmo duullaan qaawan oo lagu soo qaaday madax-bannaanida iyo qarannimada dalka.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa Cirro uga digay inuu Shacabka gobollada Waqooyi u jeexo waddo khaldan. Wuxuu shacabka ugu baaqay in ay dhulkooda ka difaacdaan Yuhuudda.
“Tillaabo kasta ayaan qaadeyna si aan u ilaalino midnimadeena” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.