Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wada-tashiyo ku Saabsan Midnimada Dalka la Qaatay Mas’uuliyiinta ka Soo Jeeda Gobollada Waqooyi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah xafiiskiisa kula qaatay mas’uuliyiinta hay’adaha fulinta iyo sharci-dejinta dalka ku matala Gobollada Waqooyi.
Kulankan ayaa qayb ka ah wada-tashiyo qaran oo uu Madaxweynuhu hormuud ka yahay, kuwaas oo looga gol-leeyahay ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.
Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiintan ka dhegeystay talooyin iyo aragtiyo qoto dheer oo ku aaddan sidii loogu istaagi lahaa difaaca qarannimada iyo ka hortagga faragelinta shisheeye ee khatarta ku ah wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Intii uu kulanku socday, Madaxweynuhu wuxuu mas’uuliyiintaas ka codsaday inay qaataan doorkooda hoggaamineed ee ku aaddan ilaalinta gobanimada dalka, gaar ahaan xilligan xasaasiga ah.
Dhankooda, xubnaha metela Gobollada Waqooyi ee ku jira Xukuumadda iyo Baarlamaanka ayaa bogaadiyay dadaallada hagar-la’aanta ah ee uu Madaxweynuhu ku bixinayo midnimada Soomaaliya. Waxayna ballan-qaadeen inay si buuxda uga qayb-qaadan doonaan ololaha qaran ee looga hor-tagayo isku-day kasta oo lagu doonayo in lagu kala qaybiyo dalka, iyagoo xoojiyay inay u taagan yihiin difaaca iyo jiritaanka qaranimada Soomaaliyeed.