MARAYKANKA OO SI CAD U SHEEGAY IN UU AQOONSAN YAHAY MIDNIMADA IYO WADAJIRKA DHULEED EE SOOMAALIYA
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka ayaa soo saartay bayaan xooggan oo ay ku xaqiijinayso mawqifkeeda ku aaddan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Sida uu baahiyay wargeyska caanka ah ee Washington Post, xilli uu soo xiganayay saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Maraykanku wuxuu hoosta ka xaririqay inay weli u aqoonsan yihiin Soomaaliya hal dal.
Maraykanka wuxuu sheegay inuu sii wadayo aqoonsiga madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Xaaladda Soomaalilaan: Bayaanka ayaa si gaar ah u xusay in midnimadaas ay “ku jirto dhulka Somaliland.”
Hadalkan ka soo yeeray saaxiibka ugu weyn ee Soomaaliya dhinaca amniga iyo diblomaasiyadda ee Maraykanka ayaa imaanaya xilli xasaasi ah oo ay jireen dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo ku saabsan goonni-isu-taagga Soomaalilaan ka dib markii Ra’iisulwasaaraha Israa’iil uu isaga dhawaaqay in uu aqoonsaday Soomaalilaan.