MIDOWGA CULIMADA SOOMAALIYEED OO SI ADAG U CAMBAAREEYEY FARAGELINTA ISRAEL
Midowga Culimada Soomaaliyeed ayaa soo saaray bayaan culus oo ay si wadajir ah ugu gacan-seyreen duullaanka qaawan oo ay sheegeen inuu kaga yimid dhanka gumeystaha Israel, kaas oo salka ku haya wax ay ugu yeereen aqoonsi beenaad.
Sheekh Aadan Sheekh Cabdulle Diiriye oo aqriyey bayaanka rasmiga ah ee midowga7 culimada ayaa caddeeyay in tallaabadan ay tahay mid meel ka dhac ku ah qarannimada iyo masiirka umadda Soomaaliyeed, isagoo hoosta ka xariiqay inay si weyn uga soo horjeedaan damaca Yuhuudda.
Dhinaca kale, Sheekh Dr. Shariif Cumar ayaa isna soo saaray baaq ku aaddan walaalaha ku nool deegaannada Soomaaliland, isagoo uga digay inay ku kadsoomaan qorsheyaasha Israel, wuxuuna sheegay in haddii uu jiro cadaw dhab ah ay tahay Yuhuudda, loona baahan yahay in laga digtoonaado shirqoolladooda.
Sidoo kale, Dr. Al-Shaadhibi ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliland isagoo xasuusiyay in dadka Yuhuudda ah ay yihiin kuwo laga nacay adduunka oo dhan, ayna yihiin dad dheeraad ku ah dunida, isagoo ku baaqay in loola dhaqmo si waafaqsan khatarta ay leeyihiin.