U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in aqoonsiga Israa’iil ee Soomaaliland uu halis weyn ku yahay Geeska Afrika iyo bariga Dhexe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka Aljazeera ku faahfaahiyay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan tallaabadii ay Israa’iil ku dhawaaqday inay ku aqoonsatay Soomaaliland.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in tan iyo markii ay soo baxday warkaasi, dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin diblumaasiyadeed oo xoog leh, kuwaas oo isugu jira xiriir toos ah oo ay la sameysay dalal iyo ururro caalami ah, si loo muujiyo halista ka dhalan karta go’aankaasi.

Wuxuu caddeeyay in dadaalladaasi ay miro dhaleen, isla markaana inta badan dalalka iyo ururrada caalamiga ah ay si cad ula safteen Soomaaliya, una muujiyeen taageeradooda midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa intaa ku daray in haddii aan si wadajir ah looga hortagin Israa’iil, ay jirto halis weyn oo ku saabsan in Israa’iil ay isku daydo inay saameyn iyo gacan-ku-hayn ku yeelato marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ka digay in Israa’iil ay doonayso inay Geeska Afrika ka samaysato saldhigyo istiraatiiji ah oo ay dalal kale uga duusho, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid khatar weyn ku ah amniga gobolka iyo xasilloonida guud ee Afrika iyo Bariga Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa adkeeyay in dowladda Federaalka ay sii wadi doonto dadaalladeeda diblumaasiyadeed, isla markaana ay la shaqeyn doonto saaxiibbada caalamka si loo ilaaliyo sharciga caalamiga ah, loogana hortago tallaabo kasta oo wiiqi karta madaxbannaanida Soomaaliya iyo amniga gobolka Geeska Afrika.