Shacabka ku Dhaqan Caasimadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho oo Si Adag uga Hor Yimid Damaca Gurracan ee Maamulka Israa’iil
Bannaanbixii ugu weynaa ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo ay kumannaan shacab Soomaaliyeed ahi ay ku muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan aqoonsiga ay Israa’iil sida sharcidarrada ah ugu dhawaaqday in ay siisay Soomaalilaan.
Bannaanbaxan ballaaran oo looga soo horjeedo tillaabada sharcidarrada ah uu qaatay gumeystaha Israa’iil ayaa ka dhacay Isgoyska Taleex iyo waddooyinka ku xeeran, halkaas oo ay isugu soo baxeen dad aad u tiro badan oo ka kala yimid degmooyinka caasimadda.
Dibadbaxayaasha oo watay calanka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa muujiyay caro xooggan iyo diidmo cad oo ku aaddan tallaabada ay Israa’iil qaaday, taas oo ay ku tilmaameen gardarro lagu soo qaaday qaranimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Hal-ku-dhegyo si isku mid ah loo wada dhawaaqayay ayaa muujinayay mowqifka shacabka, iyagoo adkeeyay in Soomaaliya tahay hal dal oo mideysan, isla markaasna aan la aqbali karin faragelin shisheeye.
Qaar ka mid ah dadkii bannaanbaxa ka hadlay ayaa sheegay in go’aanka Israa’iil uu yahay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah, isla markaana u baahan in si adag looga hortago.
Waxay, sidoo kale, ugu baaqeen Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu difaacayo madaxbannaanida iyo midnimada dalka.
Dibedbaxa caawa ka dhacay Muqdisho ayaa si cad u muujisay dareenka guud ee shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo si mideysan uga dhiidhinayaan gardarrada ay Israa’iil ku hayso qaranimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.