DEG DEG: Hogaamiyaha mucaaradka Israa’iil oo ka soo horjeestay Aqoonsiga Soomaaliland
Sheeko:Midnimada Soomaaliya
Ya’ir Lapid, oo ah hogaamiyaha mucaaradka Israa’iil, ayaa sheegay in aqoonsiga qeyb kamid ah dhulka Soomaaliyeed uu Israa’iil u horseedi karo khatar cusub oo ku saabsan amniga gobolka.
Wuxuu sheegay in tallaabadaasi ay keeni karto silsilad xiisado ah, waxa uuna walaac ka muujiyay go’aannada siyaasadeed ee xasaasiga ah ee ay qaadayso xukuumadda Netanyahu, kuwaas oo qalqal gelinaya amniga gobolka Bariga Dhexe iyo Geeska Afrikaba.
Lapid ayaa hadalkan ka sheegay xafiiskiisa, iyadoo sawirkiisa iyo oraahdan uu yiri si weyn loogu faafiyey warbaahinta caalamiga ah, gaar ahaan midda carabta