U bood dhigaalka

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta oo si adag uga hadlay Joogitaanka Israa’iil ee Somaliland

​Hoggaamiyaha kooxda
Xuutiyiinta, Cabdimulki Al-Xuuti, ayaa soo saaray digniin culus oo ku aaddan joogitaanka Israa’iil ee deegaannada Somaliland.

Al-Xuuti ayaa si cad u sheegay inay u arkaan joogitaan kasta oo ay Israa’iil ku yeelato dhulkaas inuu yahay bartilmaameed ciidan oo u furan ciidamadooda.

Wuxuu sheegay in ay u beegsan doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga badbaadan halista ka dhalan karta joogitaanka Israa’iil.

​Hanjabaaddan ayaa qayb ka ah xiisadaha sii kordhaya ee ka jira gobolka, gaar ahaan loolanka dhanka badda iyo amniga marinnada muhiimka ah.

Waxay sidoo kale muujinaysaa sida kooxda Xuutiyiintu ay isha ugu hayaan dhaqdhaqaaqyada ka socda xeebaha Geeska Afrika ee ku dhow marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas.